meegaar tech

3 Fursad ganacsi 

  1. Dhoofinta alaabaha
  2. Hilibka dheylada doorada
  3. Adeegyada caafimaadka

3 Fursad ganacsi oo muhiim u ah dalka

Fursad

Waxaa jira 3 fursad ganacsi oo mustaqbal wanaagsan ka leh dalka gudihiisa macaamiil badana aad ka heli karto dalka gudihiisa iyo dibadiisaba baahidoodana ay ka jiraan suuqa ganacsiga. Kuwani waa fursad aan u arkay in ay mudantahay in looga faa’iideyo bulshada.

1. Dhoofinta alaabaha

Ganacsiga koowaad ee fursad ka banaantahay markaad u fiirsato suuqa ayaa ah Haddii aad is dhahdo alaab buug ha noqoto, dhar ha noqoto badeecadaha kala duwan ee dalkeena laga soo saara ha noqoto sida fooxa oo kale, saliid macsarada oo kale hadii aad isdhahdo wadankii wax ka dir ma’aha wax usoo dir qof u alaab geey oo jooga wadanka dibadiisa wey adagtahay inaad hesho shirkad kaa qaada oo si toos ah kuugu geysa.

Waxaa jira ganacsato badan oo soomaaliyeed soona saara badeecooyinka dalka gudihiisa lagu sameeyo aadna loo jecelyahay oo ay kamid tahay sida saliida fooxa manta hadii aad is dhahdo u iibgee mareykan ama ingariis ma jirto shirkad kaa qaadeysa oo license ka heysata iney delivery gareyso, hadii uu jiro qof dawaar leh oo dharka tola hadii looga soo dalbado dibada wadamada qaliijka ma jirto shirkad kaaga masuul naqaneysa oo kuu qaadeysa badi shirkadaha dalka dibadiisa wax u dhoofiya documents kaliya ayey qaadaan oo kaartoon ku jira.

 Ganacsiga koobaad ahna fursad ay dadku aad ugu baahanyihiin iney tahay ganacsi logistic ah alaabta meeluu ku keydiyo leh xeelad qaadis qaab diyaarad ahaan iyo bad ahaanba leh, oona u raadin kara kuna xiri macaamiishiisa soomaaliyeed.

Waxyaalaha qofka ubaahanyahay

Waxyaalaha qofka ubaahanyahay waxaa kamid ah ganacsiyada sida livestock doomooyinka xoolaha qaada heli karta si ay ugu qaado badeecada shirkad noocaasi oo kale aadbuu wadanka oogu baahanyahay.

Muhiimada uu sharciga kuu leeyahay halkaan ka aqriso

2. Hilibka dheylada doorada

Wadanka markaad fiiriso dooro fresh ah oo gobol kasta laga helayo wadani ah ma jiro baahidii loo qabay ukunta si weyn baa loo xaliyay ukun wadani ah warshado waaweyn ayaa dalka gudihiisa soo saara gobolkastaana waxaad ka heleysa ukun aad looga shaqeeyay tayadeeda oo wadanka gudihiisa lagu soo saaray. Laakiin ilaa hada hilibka cad ee doorada waxaa dalka looga keena dibada wadamada sida brazil, turkiga mararka qaar carbaha ayaa laga keenaa.

Soomaaliya kama jirto shirkad soo saarta hilibka doorada oo dawooli karta baahiyaha gobolada dalka oo dhan. Hilibka cad ee dooradana waa hilib aad loo jecelyahay protein badan waxyaalo badana loo isticmaali karo.

Waxaa jira aqoonyahan soomaaliyeed oo qoray buug ku saabsan rooda oo lagu magacaabo “Barashada iyo dhaqashada digaaga ee hareeraha dhulbaraha” buugaan waxaa ku dhax jirta qeyb dhan oo ka sheekeyneysa qaabka hilibka dheylada doorada ah loo soo saaro ama loo sameeyo, qalabka ay ubaahantahay oo aad soo iibsaneyso, dhulka loo dhisayo inta uu la ekaanayo, inta boqol oo kilo hilib ah ayaad soo saareysaa maalintii, caafimaadkooda side oga shaqeyneysaa oga taxadareysaa, guri noocee ah ayaad u hagaajineysaa. Dhamaan intaas iyo inkabadan ayuu ka hadlayaa buugaas.

Fursadani waa mid aad u banana weyna fiicnaan laheyd in ganacsade soomaaliyeed oo intuu fursad noocani oo kale ah baaro buugaaso kale aqrista kadibna dhaqan galiya fursada taana ubadala mid jirta oo shaqeyneysa. Hilibka doorada wadaniga ahna soo saarta wadanka oo dhana ku filneysiiya loona dhiso baqaaro waaweyn oo qaboojiyayaal leh oo hilibka fresh u haynaya iyo gawaaridii u kala qaadi laheyd gobolada dalka.

Hilibka doorada iyagoo waxaa la gadaa qaabka beegarada ah iyaga oo hilib saafi ah ayaa la gadaa iyagoo dhameystiran dooradii oo isqabta ah ayaa la gadaa iyagoo luga oo kaliya ah ayaa la gadaa. Noocyo badanoo kalana waa laga sameyn karaa

Hilib dooro oo fresh ah dheyla ah siina karta dhamaan xaafadaha dalka iyo dukaamada shirkad noocaas ah oo buuxinkarta fursad noocaas wali wadanka kama jirto oo heysata dilaaciyayaashii intaasoo kun oo digaag ah soo saari lahaa dhamaan waxaasoo dhami maareyn iyo qorsheyn bey ubaahantahay.

Waana fursad mudan in dalka looga faa’iideeyo baahi dalka ka jirtana ah oo looga maarmi karo doorada dibadaha lanooga soo dhoofiyo sidoo kale waxey fursad shaqa abuur u naqan karta dhalinyaro badan oo soomaaliyeed.

3. Adeegyada Caafimaadka

Lama dhihi karo ganacsi laakiin waa baahi iyo fursad jirta una baahan dadka looga xaliyo waxaad arkeysaa dadbadan oo soomaaliyeed oo marwalba adeeg caafimaad u aadaya dalka dibadihiisa sida ethopia, kenya, turkiga iyo hindiya.

Sawabta keeneysa in dalka dibadiisa dadka adeegyo caafimaad u doontaan waxaa kamid ah dalkii kama jiro isbitaal ku filan oo bixin kara adeegyo caafimaad oo tayo leh markaana heysta qalab isbitaal dhameystiran technologyadii ugu dambeysayna ah oo casri ah dhamaan cudurada lagu baari karo qaliin lagu sameyn karo waxyaalo kala duwana lagu sameyn karo iyo dhaqaatiir loo tababaray.

Dadkii soomaaliyeed hadey noqoto Allah ka hayee dad cancer ku dhacay, qaar jabay qaliimo dagdag ahna ubaahan dhamaan nooc walbo xanuun ah. Cuduro badan oo soomaalida qaar ay la nooshahay ayaa jirta oo wadankii waxba aan looga qaban Karin.

Fursad isbitaal oo isticmaalaya qalab noocii ugu dambeeyay ee caalamka ka jira iyo dhaqaatiir aad iyo aad ugu tababaran qalabkaa iyo aqoon ahaanba u dhisan. Markuu qofku damco in uu dalka dibadiisa u aado adeeg caafimaad waxaa laga yaaba in 30kun 40kun oo doolar ay ku baxdo hadey ahaan laheyd tigidkiisa hotelkii noloshii caadiga aheyd daawadii isbitaalkii qaraashaadkii qaliinada.

Similar Articles

Ganacsi

Qaabka loo dejiyo qorshe ganacsi Guulesyta

ChatGPT

Waa maxay chatGPT siduu u shaqeeyaa ?

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top