meegaar tech
  1. Waa maxay Sharciga ?
  2. Faa’iidada ay leedahay in bulshada ay barato sharciga!
  3. 10 Nooc oo ay ukala baxaan sharciyada
  4. Waa maxay Farqiga u dhaxeeya sinaan iyo cadaalad?
  5. Ugu dambeyn

4 Xirfad oo muhiim u ah dhalinyarada qarnigaan 21aad

Xirfad

Waxaa jira xirfado muhiim u ah iney bartaan dhalinyarada iyo dadka guud ahaantoodaba muhiim u ah iney bartaan qarnigaan 21aad gaar ahaan goobaha shaqada.

Mar haddii aad rabto inaad gasho aaga shaqada ma’aha waxa lagaa rabo shahaado inaad wadatid kaliya, ma’aha waxa laga rabo inaad dhahdid intaas oo Sanaa kasoo shaqeeyay meel heblaayo! Maya waad cusboonaan kartaa qof suuqa ku cusub wax khibrad aan laheyn ayaad noqon kartaa, experience-gaaga oo dhan eber ayuu ahaan karaa, hadaad bilaabi kartaa laakiin xirfadahaan soo socda aan kuu sheegi doona waa kuwa lama huraan u ah naftaada si aad oga duwanaato dadka kale;

1. Critical Thinking

Waxyaabaha muhiim u ah qofka ee lagu jeclaanayo waxaa kamid ah in qofka criticle thinking uu leeyahay, qof fikiri kara oo wixii loo keena gedgedin kara oo meela kala duwan ka fiirin kara qofka inuu noqdo aad iyo ayey muhiim u tahay.

Nasiib darada jirta yaa waxey tahay iskuulkeena iyo jaamacadaheena qeybta criticle thinking-ka lama xoojiyo aadna ugumo xoogana su’aalaha les weydiinayo waa su’aalo toos ah, xataa kuwa xisaabta ah wax hada challenge oo ku jira ma jiro waa laga yaaba qofka hadduu formulooyinka xifdiyaba inuu ka bixi karo.

Wey fiicnan in qofka lisugu nolosha caadiga iyo waxbarashada macalimiinta qaarkood iney arimahaasi dabaqeen waa laga yaaba laakiin si guud ahaan jaamacadaha iyo iskuulaadka xooga lama saaro.

Critical Thinking-ka marka laga hadlayo waxyaabaha muhiimka u ah qofka waxaa kamid ah in xog uu raadin karo xogna uu soo heli karo. Xogtana uu helana inuu turjuman karo fiirin karo taxliilina uu ku sameyn karo.

Waxyaabaha muhiimka ah waxaa kamid ah inuu sababeyn karo, hadii aad wax doorato waa inaad sawabtiisa raacin kartaa

Arimaha muhiimka u ah qofka intuu goobta shaqada ku jiro iyo magaaladaba waa inuu dood sameysan karo oo micna leh, dhinaca nolosha uu kasoo galayo iyo hadii la doodayo dhinaca uu ka imaanayo iney tahay dhinac qiima leh oo uu difaacan karo.

Problem solving

Xirfada critical thinkin-ka muhiim ah ee loo baahanyahay waxaa kamid ah qofka inuu awood u leeyahay xalinta qilaafaadka.

Systems thinking

Inuu u fakiri karo si kabaalaran waxa u muuqda oo uu ogaado waxaan iney yihiin wax isku xiran oo aanan kala maarmin. Qofka hadaanu xirfada systems thinking-ka waxaa dhici karta inuu dhinac xooga saaro dhinacna uu dayaco.

Tusaale ahaan waxaad markasta xooga saartaa xiriirka maamulka sare iyo gudoomiyaha adigoo is jecleysiinaya waxaad hilmaameysaa muhiimadii ay laheyd in shaqaalaha kula midka ahaa aad la macaamiisho xulafo iyo asxaab aad sameysato. Waxaadna u heysataa in gudoomiyaha hadaad heysato ay bastahay laakiin maaha inaad ilaawdo in gudoomiyaha naftirkiisa uu tixgalinayo qof kale, waxaana loo baahanyahay inaad isku dheeli tirto.

2. Collaboration

Qarnigaan 21aad xirfada kale ee xooga saareysid waxaa kamid ah wadashaqeynta, inaad awood u leedahay inaad dadka la shaqeyn karto. Si adigoo u dhaw iyo adigoo ka fogba aa ula shaqeyn karto dadka kale. Waxyaalah collaboration muhiim u yahay waxaa kamid ah in shaqooyinka qaarkood aa adiga u noqon kartid leader-kii hogaamin lahaa, hogaan inaad noqon kartid oo waajibaadka qaar dadka kahor wareejin kartid hindisa cusub inaad la imaan kartid waxyaabaha lagugu khiimeynayo ayey kamid tahay.

Waxyaabaha sida muhiimka ah lagugu khiimeynayo waxaa kamid ah flexibility-ga inaad la jaanqaadi karto caqabadaha soo kordhi kara oo meel aadan ku dhagnaan.

Responsibilites and productivity

Arimaha kale ee muhiimka u ah waxaa kamid ah masuuliyada iyo wax soo saarkaga inuu aad iyo aad u sareeyo, oo dadka wada shaqeyta kaala dhaxeysana aad tahay qof dhinaca uu kaga jiro kasoo buuxin kara oo aanay culees kaga imaa Karin qof leysku haleyn karo inaad tahay.

Responsive

Inaad tahay qof la heli kara fariimaha aanan dadka ku dhageysan Emailada laguu soo dirana aad oga taxadirto si aysan kaaga imaan wax eedeyn ah. Goobta shaqada markaad jootid waa inaad fiiro gaar ah u yeelataa arinkaas. Shaqooyinka qaar ayaa deadline leh, ama iney midkale ku xirantahay oo team dhan ay kuu xayiran yihiin. Marwalba waxaad isku daydaa in wadashaqeynta dadka idin kala dhaxeysa aad aad iyo aad ugu dadaasho.

3. Communication

Xirfada sidaxaad ee muhiimka u ah goobta shaqada waa xirfada xiriirka inaad ku fiicantahay, inaad tahay qof dhageysiga ku fiican iyadoo lagu caynayo dhimbilo korkaaga ka kacayaan aad u adkeysan karto inaad isdajiso dhageysan karto kadibna note-kiisa qaadan karo.

Waxaa xirfad aan sidoo kale muhiim u ah inaad Oral presentation sameyn karto inaad qof isban dhigi karo is sharxi karo tahay arintaan waa arin aad loogu liito inta badi. Maamuliinta Shirkadaha qaar ayaa laga hayaa in shaqaalaha shaqada raadinayey qaar xitaa ineysan isdifaari Karin ineysan isgadi Karin, marka dhaho maxaan kugu xushaa oo aan jagadaan kugu dhiibaa qofka inuusan diyaar aheyn oo hadal aan loo baahneyn galo.

Digital media

Emailada computerada systems-ka kale qof markiiba la tababari karo inaad tahay, laakiin lasoo shir tagto file maxaa la dhahaa, edit maxaa la dhahaa, view maxaa waaye, browser maxaa waay, email see loo qoraa hadii kaaga dhagantahay adigoo qarniga 21aad jooga ama aad soo istaagto mobile smartphone ah ma wato, ma noolan kartid qarnigaan nolol maaha taas dhalinyaraa tahay goob shaqaa joogtaa muhiim maaha inaad mobile qaali ah wadatid muhiimadu waa inaad smart ahata sawabtoo ah caalamka aad ka shaqeyneyso ayaa smart ah.

Halkaan ka aqriso ciwaan ku saabsan Digital marketing

Engaging in conversation & discussions

Xirfada Wadasheekeysiga marka ay noqoto noqo qof soo jeeda su’aalaha la weydiiya ka jawaabi kara noqo su’aalaha dadka kale iyo aragtiyahooda ka keeni karo doodo macquul ah, marwalbana awood waa inaad u yeelataa inaad la xariiri karto dadyow kala duwan.

4. Creativity

Xirfada sidaxaad ee muhiimka u ah inuu qofku leeyahay waxaa kamid inaad leedahay hal abuur, hal abuurkaas waxuu noqon karaa inaad fikrado soo tabiso laakiin kaliya kuguma filna inaad fikrad keentid ee waxaa lagama maarmaan ah inaad fikrada nashqadeyso isku daba rido ka dhigto mid la qaadan karo falcelino ka qaadataa kadibna aad dabaqi kartaa.

Shaqooyinka aad dadka la qabaneysid marwalba ula shaqeey qaab creatively ah waxaan wey jiri jireen kaliya ha ugu dhagnaanin marwaliba waxaad waxsoosaar cusub. Marwalba waa inaad noqota qof meeshii uu joogay ka dhaqaaqaya.

Ugu dambeyntii

Xirfadahaan afarta ah hadaad hore ogu fiicneyd wey wanaagsantahay sii hormari hadaadan ku fiicneyna fadlan xooga saar, waxyaalaha kuu wanaagsan waad taqaana laakiin qabyada iyo dulduleelooyinka aad leedahay iska hagaaji.

Qaado koorsooyin kala duwan aqri buugaag kala duwan dhageyso waxyaaba kala duwan kadibna waad hor mari kartaa. Dhamaantood waa wax la baran karo laakiin ALLAH sw kaasho. maqaalkaan qiimaha badanleh waxaa horey isagoo muuqaal ah u baahiyey Dr Ustaad Abdiwahab A. ELMI, PhD

Similar Articles

Digital marketing

Waa maxay Digital marketing? Suuqgeynta dhijitalka ah!

Web Design iyo Web Developer

Farqiga u dhaxeeya web design iyo web developer?

1 thought on “4 Xirfad oo muhiim u ah dhalinyarada qarnigaan 21aad”

  1. Pingback: Qaanuunka 15-ka Daqiiqo

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top