meegaar tech

5 qaab loo sameeyo ganacsi online ah 

  1. Garo badeecadaada
  2. waa inaad service bixineysid
  3. Dhisida Brand
  4. Xayeysiinta/Advertising
  5. Geysmada alaabta / delivery

5 QAAB OO AAD KU ABUURI KARTO GANACSI ONLINE AH

online

Waxaa jira dhalinyaro badan oo soomaaliyeed oo raba in ay bilaabaan ganacsi online ah ama kuwa raba in gaacsigooda caadiga ah ay kazoo muujiyaan online platformska kala duwan kuna ganacsadaan. Onlineku  waxyaala badan ayaad oga faa’iideysan kartaa maqaalkana waxaan oga hadleynaa 5 qaab oo aad ku bilaabi karto ganacsi online ah.

Sida aan dhamaanten ka warhaya qarniga 23naad qofkii aan ganacsigiisa online ka ka dhax muuqan inuusan ganacsigaas noqonayo mid aad looga sara mara macmiil badan oo dhinaca online oga imaan lahaana uu ku waayayo halkaas.

1. Garo badeecadaa

Marka koobaad waa inaad ogaataa badeecada aad rabto inaad online ka ku gado dadkana ay ubaahanyihiin.

2. Waa inaad service bixineysid

Waa inaad leedahay aqoon iyo xirfad hadii ITga baratey ood taqaano sida websiteyada loo dhiso, sida applicationska loo sameeyaa, ama accountancy oo aad xisaabiye aad tahay. Online ka shaqadiisa ayaa waxey tahay inaad ama product gado ama service gado.

3. Dhisida Brand

Ganacsigaaga online ka ah waa inaad u dhistaa Brand  sumad ay ummada ku garato oo ay markasta ugu soo laabato oo qofkii arkaa brandkaas uu businesskaga soo xasuusto, waxaa dhici karto in qofka markiiba uu xasuusto qofkaloo adeegaaga u baahan sidaana uu kugu soo xiro.

Xayeysiin tayo leh brand sumad gaar ah oo lagugu aqoonsado aadna uga soo dhaxbaxdid ganacsiyada aad la tartameyso ama aad markaas suuqa kula jirto, waxyaalaha ugu waaweyn ee online ka lagaaga aqoonsan karo waa inaad heysataa Brand sumad aad u quruxbadan.

Dhisida website

Dhisida website ganacsigaaga u gaar ah waxa kaliya aad heysan karto waligiis meel aan kaa aadeyn, data-diisa aad save gareysan karto macaamiishaada xogtaada ay ka heli karaan waa website aad adigu leedahay.

Tusaale kasoo social mediaha ama si offline oo kaliya ayaad ganacsigaaga usoo gudbisaa hadii uu kaa ciladoobo social platformskaas data badan baa kaa dhumi karta, websiteka se waa wax aad adiga leedahay, website tayo leh aad u nashqadeysan si fudud gudihiisa loo adeegsan karo waliba aad u kaashato dadka khbrada sare u leh dhisida website yada inaad la xariirto si ay kuugu dhisaan ay fududahay qofka in uu badeecadiisa markiiba heli karo, lacagtii qaabkii uu bixin lahaa hadey tahay sida paypalka oo kale, ha noqoto inuu mobile ku diri karo oo qofka isla markiiba receidkii loo celin karo.

Email listing

Qaabka waxaa jira kamid suuqgeynta oo aad u aruursan karto E-mailada macaamiishaada, hadaad aragto wadamada qaar markaad supermarket gasho waxaa lagu leeyahay Emailkaga noo qor discount Ayaan ku siineynaa, iyadoo uga dan leh in ay isbuuc kastaa kuusoo dirto qiima dhimista ganacsigeeda ay ku sameysay, badeecadaha cusub ay soo kordhisay markaas baad is dhaheysaa waxaas waan ubaahnaa sidaas ayaana ku dalbaneysaa.

Noocani waxaa la dhahaa Email building list waxey kamid tahay adeegyada ugu muhiimsan ee ganacsiyada online ka ku shaqeeyaan, waxaa laga yaabaa shirkadu iney heysato 2k oo email ama 50k oo email markaad halmar uwada dirto badeecada aad gadeysay intaas qofooad hadii 5% oo kamid ah ay kaaga soo noqoto waxey lamid tahay iyadoo 500 qofood kuusoo noqotayoo wax kaa iibsatay.

Dhisida Landing page

Waxa ugu muhiimsan ganacsigaa waxaa kamid wajiga ugu horeeya ee websiteka quruxda iyo qaab dalbashada alaabaha wajiga hore qofka markuu arko inuu isla markiiba ku qanci karo.

4. Xayeysiinta/Advertising

Xayeysiiska qodobkaan ma’ahan mid la dhayalsan karo markaad diyaarsato xeelad strategy suuqgeyn inaad alaabtaada ka heysato sawiro qurux badan ama video waxyaalo quality leh oo qofkii arki karo indhihisa soo jiidan karaan inaad marka koobaad diyaariso kadib waa inaad isticmaasho meelaha muhiimka ah ee social mediaha sida facebookga oo kale instagramka oo kale.

Tusaale ahaan waxaa dhici karta inaad diyaarisay course xirfado lagu baranaayo ama quseeya ardayda barata IT ee jaamacadaha inaad facebookga ku dhahdo jaamacadahaas ardayda like gareysay pagekooda iigu bandhig xayeysiintaan isla markii facebook wuxuu xayeysiiska hor geynayaa qof IT ga barta oo course laga yaabo inuu daneynayo adigoo waliba sii dooranaya magaalada aad rabto dadka nooca aad rabto rag iyo dumar da’dooda inta ay u dhaxeyso ayaad dooraneysa si toos ah isaga ayaa kuug geynaya dadka ceynkaas inta xayeysiiskaaga la tusi lahaa dad aanan quseynin.

Si aad u dhisto ganacsi online ah xayeysiisku waa mid aad iyo aad ugu muhiim ah ganacsiyadaas mana looga maarmi karo waxyaalaha laga yaabo in lala yaabo ayaa ah in shirkado waaweyn oo qaab offline ah ku ganacsada productyo aad u fiicana haaya aynaan laheyn website u gaar ah ama social presence.

5. Geysmadii alaabta/delivering

Hadii alaabtaan aad ku dhax iibineyso websitekaaga aadan u sameyn Karin geysmo delivery qofka kaasoo dalbaday oogu geeyi Karin meesha uu joogo waxa dhici karta inuu sii shaqeyn waayo ganacsigaa methodkaana wuxuu kamid yahay kuwooda ugu muhiimsan ay tahay inaad macmiilka ku sinto badeecadii uu kaa iibsaday.

Sidoo kale waa inaad ka run sheegtaa badeecadaada tayadeeda, khiimaheeda iyo waxkastoo quseeya badeecadaas waxyaroo been ah hadii ay ku dhax jirto waxaa dhici karta inuu xaaraan uu kaa noqdo. Dadka oo dhamina waxaa ay noqdeen dad wada socialsts ah waa inaad iska muujisaa dhanka ay dadku joogaan.

Similar Articles

Ganacsi

Qaabka loo dejiyo qorshe ganacsi Guulesyta

ChatGPT

Waa maxay chatGPT siduu u shaqeeyaa ?

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top