meegaar tech

Casariye 

  1. Xaqana waa nin sheega iyo nin qaata
  2. Casariye bal u fiirso 
  3. Casariye wali mala caariyaysay 
  4. Casariye balamaha aad qaaday oofi 
  5. Gabagabadii

Casariye wali mala caariyeysay?

Casariye

Asc Casariye Isdhul dhig ciidankii higilka iyo hugulka lahaa ee nebi saleymaan uu watay waxaa joojisay Quraanjo, bulsho dhan hanuunkeeda waxaa sawab u ahaa guuguule, u fiirso sida uu nebi suleymaan isugu dhul dhigay isaga oo qorax dhaca ilaa qorax dhaca ka ariminayey waxaa uu u dhoolacadeynayey oo ka qoslinayey hadal quraanjo, waxaa uu u kaashanayey kawar keynka wixii uusan ogeyn aadmina uuna uga warkeeni Karin guuguule.

xaqana waa nin sheega iyo nin qaata

Casariye! Qof liita haddii uu hadal xaq ah sheego maamuus ayuu yeeshaa, xaqa cida tiraahda awood ayuu siiyaa, xaqana waa nin sheega iyo nin qaata, qofka maamuuska lihi haddii baadil iyo xumaan ka faaloodo wuu buruud jabaa xaqdarada cidii ku qanacda qawl iyo jar ayey ka ridaa indhaha dadkana wuu la yaraadaa.

Casariye! Waligaa hadalka ku wax qaado se’higilka iyo qaabka qofka haku wax qaadan, waligaa fikrada ka faalood oo rog rog se’qofka ha falanqeyn inuu u qalmo inuu taladaas ku siiyo iyo inkale’e.

Casariye! Waa dad uu maankoodu liito kuwa oraah kastaba u qaadanaya sida shaqsiga ahi fikrad kasta oo qofka u sheegaya cajiba duudsiyaya ee daad xoorta ku daraya waana dad maamuus leh kuwa xaqa u hoganaya cidii doontaba ha u sheegta e.

Casariye Bal u fiirso

Bal u fiirso mudanihii ifka iyo maamuuslihii aduunkan ee Muxammed SCW oo maalinkii beder meeshii uu u tuhmayey iney xeelada dagaal ku haboontahay dagay, ciidankiina meeshii la mudnaatay faray iney rarkooda dhigtaan, kadibna uu weydiiyay xabaab ibnu mundir ma meel uu ilaahey ku faray inaad dagto halkani mise waa xeelad dagaal oo tashi iyo aragti ay ka furanyihiin rasuul allow, waxa uu ugu warceliyay nebiga CSW maya ee waa xeelad dagaal oo tashiga iyo aragtidaba u furanyihiin xabaab waxaa uu soo jeediyay markaa inaaney meeshan aheyn meel dagaal loogu gacansareyn karo ee ay isaga la haboontahay iney ceelasha badar ee shishada ka maraan oo ay cadaawaha ka xigteystaan biyahooda sidiis ay muslimiinta biyaha gacanta ugu dhigaan oo ay uga cabaan, gaaladiina oo ay dhanka biyaha oga xigaan oo ay u haraadiyaan taladiisa ayuu nebiga csw.

Waxa uu qaatay taladaas isaga oo nebigii waxyiga xambaarsanaa ah ee warkii samada uu ka furnaa, waxa u qaatay taladaas isaga oo ah nebigii tujinayey nebiyadii habeenkii dheelmitaanka, waxa uu qaatay taladaas isaga oo ah nebigii kor u fantay samadii todobaad habeenkaas dheelminta.

Casariye! Dadku waxaa ay wax ku yihiin waa garaadadooda iyo qalbiyadooda ee maaha jirarkooda iyo jaahyadooda. Qofka marka uu kula joogo dadka kale maamuuskooda duudsiiya maalinkale ayuu adigana dadka aktooda kugu duudsiyayaa oo maqaamkaaga uu yasayaa, qofka dadka kale sharaftooda ka dhigta jaranjar uu adiga kuu soo raaca ee kaaga war sheekooda maalin unbuu adigana kaa dhiganayaa salaam uu dadkale isaga dhaadhiciyo oo uu maamuuskaada ku dan gaarayaa.

Dadka noocaasi ahi waa mindi dhul taala oo kuu dhuumaneysa, kala tilmaamista dadka qaarna la duudsiiyo darna dayaxa la durmariyaa waa quudkooda ay u qamaamaan ay hamuunguryada ay u leeyihiinba.

Dadka maamuusleyda dhabta ahi uma baahna iney dadka kale iyaga ka liitaan si uu iyaga dayaxooda u muuqdo oo uu daruuraha u duud maro.

Casariye wali ma la caariyaysay ?

Qof sharaftiisa ku dhaata oo qof qadarin mudan aan agtiisa lagu yasin isaga oo maqana aan lagu dhaleeceyn, xataa haddii aad adiga iyo qofkaas is heysaay, dadka maamuuska leh wey qiraan oo wey garanaayan maamuuska cadawyadooda sida ay u garanayaan maqaamka saaxiibadood.

Wax ceebaal ah kuma jabna haddii xiriirka aad la leedahay dadka maamuuska lihi wanaagsan ha ahaado madaxweynaha qaranka, wasiir, maamulaha dugsiga iyo milkiilaha warshada kuu doonaba ha ahaadee balse ceeb iyo caayba waxa aad ku muteysaneysaa inaad ku dhisto xiriirka aad dadkaas la leedahay dadkale sharafkooda adiga oo u shidaalsanaya maamuuskoodana dilaya oo dadkaas kaa maqaamka sareeya dagad aa ku dagato maankooda kaga diyaarsanaya.

Waxaa ceeb ah in maamuuska ay dad leeyihiin ka dhigato taraq aad ku shidato sigaarkaaga.

Casariye! Haddii aad balan qaado oofi ma garan kartid cidaas aad balanka u qaaday riyooyinka ay dhisanayaan iyaga oo balankaagaas ku saleynaya’e laga yaaba balan aan daneyn sidaasa kugu heynin inuu galaanfan karo qofkale noloshiisa.

Halkaan ka aqriso macwuuc ku saabsan qaanuunka 15-ka daqiiqo

Casariye balamaha aad qaaday oofi

Gabadhaad u balanqaaday guurka uma noolaaneyso sidii daganeyd ee ay u nooleyd balankaaga kahortii.

Ninka baagamuundaha ah ee aad shaqada u balanqaaday shaqa la’aantiisii uguma sii jiri karo sidii uu hore ugu uurka Sanaa. Hoojinta iyo balan ka buxu aaad ayey u xanuun badanyihiin dadka balamaha ayey ku dhistaan riyooyin dhan marka ay riyooyinkaas midood duntana noloshooda qeyb dhan ayaa dunta.

Balan furyada waxaa liidashadeeda waxaa kugu filan in ay kamid tahay astaamaha munaafaqa qofka balanfuryada yaqaana waxaa uu leeyahay qeyb munaafaqnimo ah oo ilaa uu iska daayo falkaasi xumi aan ka tirmeynin.

Waxey ku maahmaahaan carabtu balanka xurtu waa deyn qofka xorta yacnii markuu balan qaado deyn lagu leeyahay buu naqdaa, waxey sidoo kale dhahaan: qofka xorta ahi haddii uu balan qaado wuu oofiyaa yacnii qofka xorta ah ee aan adoonka aheyn astaamihiisa ayey kamid tahay inuu balanka oofiyaa sawabtu waa in ay aaminsanaayeen farqiga u dhaxeeya adoonka iyo qofka xorta ahi aanu aheyn midabka jirka ee uu yahay midabka aqlaaqda.

Ha noqon qof qaab dhismeedkiisa iyo qolofkiisa ay xornimo ka muuqato anshaxiisa iyo hab dhaqankiisana ay adoonnimo ka muuqato.

Ilahaas aan soo qaadanay waa qeybo kamid ah xogaha iyo nuxurka dhax ceegaaga buuga casariye.

Macduucaan khiimaha badan leh waxaa hore muuqaal oga diyaariyey ustaad Aadan Sahan

Gabagabadii

Marwalba nafsadaada runta ayey kuu sheegaysaa oo si daacad ayey kuula hadleysa, haddii aad isku taqaano in qalbiga qani ka tahay naftaadu waxaa ay kuu sheegeysa runta galabta hadaad suuqa u baxdo waxey kuu sheegeysaa inaadan xaqal shaax heysan xaqiiqa walba indhaha ku saareysa sidaa awgeed ayey mahuraan u tahay in qofka uu la sheekeysto naftiisa inka badan inta uu dadka kale la sheekeysto.

Similar Articles

Digital marketing

Waa maxay Digital marketing? Suuqgeynta dhijitalka ah!

Web Design iyo Web Developer

Farqiga u dhaxeeya web design iyo web developer?

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top