meegaar tech
  1. Muxuu qabtaa qofka web designer-ka ah?
  2. Qalabka uu isticmaalo
  3. Muxuu qabtaa qofka web developer?
  4. Masuuliyadka qof Frontend developerka ah 
  5. Luqadaha uu isticmaalo qofka Frontend developer
  6. Luqadaha uu isticmaalo qofka Backend developer
  7. Static vs dynamic website
  8. Sideen ku noqon karaa Fullstack developer

Farqiga u dhaxeeya web design iyo web developer?

Web Design iyo Web Developer

Web design iyo web developer waa laba nooc oo kala duwan laakiin isku xiran ujeedkooduna uu yahay in lagu in lagu dhiso website. Waxaa gabi ahaanba kala duwan tools-ka ay kala isticmaalaan. Inta badan web design-ka iyo web developer-ka wey is dulsaaran yihiin oo waxey u baahanyihiin iskaashi joogta ah, wada shaqeyn dhax marta labadaan qolo ayaa keeni karta in laga soo saaro website aad u quruxbadan user interface-kiisan yahay mid quruxbadan.

Muxuu qabtaa qofka web designer-ka ah?

Qofka web designerka ah wuxuu nashqadeeyaa qaabka dhismeedka website-ka color’s-ka uu ka koobanyahay iyo responsive-nimadiisa.

Waxey la macaamiilan macmiilka iyagoo ka wareysanaya nooca nashqadeed uu jeclaan lahaa, bartilmaameedkooda, iyo ujeedooyinka laga leeyahay website-kaan.

Qalab ay isticmaalan web design iyo web developer ka

 

    • Graphic design softwares si uu diyaariyo nashqada website-ka waxaa muhiim isticmaalka Adobe photoshop, XD ama Figma si ay u sahlanaato in si fudud macmiilka loogu soo bandhigo website-ka intaan la qorin code-ka kahor.

 

    • Prototyping tools si loo sii ogaado button walba oo la taabtaa meesha uu kugu hagi doono waa inuu isticmaala application sameeya prototyping-ka ay kamidka yihiin Figma iyo Adobe XD

 

    • Isku habeynta icons-ka colors-ka font-ga iyo images-ka loo isticmaali doono website-ka iyadoo si free ah looga heli karo website-yada kamid ka yihiin Freepik, Flaticon, icon8, iyo fontawesome.

WordPress waa content management system ugu caansan caalamka waxaa ku dhisa kara website qofwalba oo fahansan nashqadeynta maadaama uu yahay soo qaad dhig uma baahna wax coding ah waxaana isticmaali kara web design iyo web developer kasta. 

Waxaa lagu dhisi karaa noocwalba oo website sida Portfolia, Education, Blogging iyo E-commerce website, iyadoo la sheego in boqolkiiba 45% website-yada caalamka ay ku dhisanyihiin wordpress.

Gudaha wordpress waxyaalaha ugu muhiimsan waxaa kamid ah Theme iyo Plugin, Elementor, iyo SEO Plugins oo isku qabanaya howlaha Web Design Iyo Web Developer ay qabtaan .

Muxuu qabtaa qofka web developer-ka ah?

Qofka web developer-ka ah wuxuu masuul ka yahay dhinacyada farsamada kala duwan ee website-ka. Waxey qoraan code-ka website-ka iyagoo ku saleynaya nashqadii uu soo diyaariyey qofka web designer-ka ah kuna daraan isku xerka serverka.

Web developer-ku wuxuu u kala baxaa laba qeybood oo kala ah Front-end developer iyo Back-end developer. Mid walba wuxuu isticmaala luqado kala duwan si loogu dhameystiro website-ka.

Masuuliyaadka Front-end developer’s iyo waxa ay qabtaan?

Qofka frontend developer-ka ah wuxuu nashqadeeya qaab dhismeedka guud ee website-ka layout-kiisa, coloradiisa, user experience-ga (UX) iyo guud ahaan muuqaalka kore ee qofka usoo muuqda markuu soo booqdo website-ka.

Luqadaha uu isticmaalo qofka Front-end developer-ka ah

Qofka ka shaqeeya muuqaalka hore ee website-ka wuxuu isticmaala sidax luuqadood oo kala ah HTML, CSS iyo Javascribt oo loo yaqaano JS.

 

    • HTML (Hyper text mark-up language) waa dhisida qolfoofta ama lafaha website-ka oo naqanaya sawirada text-yada ku jira icons-ka. Waa luqad la’aanteeda aan la bilaabi Karin dhisida website-ka, waxey ka koobantahay Tags iyo Element-yo aad u badan mid walba uu qabanayo shaqo gaar ah. Waxa kala xadidaya Tag-yadaas ayaa ah wax loo yaqaano Open tag iyo cloes tag </>

    • CSS (Cascading style sheets) waa nashqadeynta website-ka sida colorska layout-ka boosaska ay kala istaagayaan cabirka uu yeelanayo Tag walba. Waxey developer’s awood u siineysaa iney ka dhigaan mid responsive iyadoo loo baahanayo Javascribt.

    • Javascript (JS) waa luqad weyn si heersare ahna u caawineysa developer’s si ay ugu sameeyaan website-ka dhaqdhaqaaq iyo shaqeyn fiican. Waxaa lagu sameeya shaqada ay qabato client side-ka ama server-ka waxeyna userka isticmaalaha u sahleysaa inuu la fal gali karo website-ka adeegyada website-kana uu si fudud u dalban karo.

Luqadaha uu isticmaalo qofka Back-end developer-ka ah

Maamulida database-ka server-ka dambe ee shaqada ugu badan ay ka socota intaba waxaa ka masuul ah oo dhisa dadka backend developers-ka ah. Badi midka ma’ahan shaqadiisa mid isla markiiba u muuqan karta isticmaalayaalka website-ka se qofkii yaqaana waa mid uu fahmi karo.

Kuwani waa luqadaha ay isticmaalaan dadka Backend developer’ska ah:

 

    • Phb, python, ama ruby inkastoo aanay jirin luqado u xadidan qofwalboo developer ah hadana luqad walba waxbey ku wanaagsan tahay laakiin dadka developerska ah waxaa waajibaadkooda ah iney marwalba sii hormariyaan xirfadahooda ay bartaan luqada cusubo.

Waxaa jira wax loo yaqaano Fullstack developer waxaana loo yaqaanaa qofka isku barta labadaan xirfadoodba Frontend developer + Backen developer

Halkaan ka aqriso waxa uu yahay Digital marketingka

Static website iyo Dynamic website

 

    • Static website waxa uu arki karo qofwalba oo soo booqda website-ka sida adeegyada lagu qabto website-ka hadii uu yahay mid laga barto cashiro iyo wixii lamid ah.

    • Dynamic website noocan kan waa nooc loogu talagalay inuu isbad badalo haddii aad ka kala booqato laba device kala duwan uu kuusoo saari doono laba interface kala duwan waxaana kamid ah website-yada games-ka lagu ciyaaro.

Sideen ku noqon karaa Full stack developer ama web design iyo web developer is wata

Barashada xirfad cusub ee noloshaada waxey ubaahantahay joogteyn, dadaal iyo practice badan. Marka laga hadlayo xirfadaha technology-yadana kuma sii jirto oo waxey ubaahanyihiin practice badan iyo gacan ku heyn joogta ah.

inaad isku noqoto web design iyo web developer waxey ubaahantahay dadaal badan iyo inaad u hurto waqti u qalma.

La imaw joogteyn tala saarasho rabi iyo ka go’naansho wadata dadaalkeeda, waxaad internet-ka ka heli kartaa kumanaan tutorials free ah gaar ahaan youtube-ka sidoo kale waxaa jira websiteyo bixiya xirfadahaas si free ah oo ay kamid yihiin w3schools iyo Free code camp. Markale la imaw dadaal iyo joogteyn dhab ah.

Similar Articles

Digital marketing

Waa maxay Digital marketing? Suuqgeynta dhijitalka ah!

Corporate

The Corporate World: Top Trends That Will Transform the Future of Business

Frequently Asked Questions (FAQs)

Haa! uma baahnid inaad dhigato jaamacada ama private-yo kale internetka waa jaamacad waanad is bari kartaa.

Haa waad ku shaqeyn kartaa Laakiin marwalba waxaa fiican inaad xirfadahaaga hormariso aadna sii barato qeybta kale ee ah web design iyo web developer

4 thoughts on “Farqiga u dhaxeeya web design iyo web developer?”

  1. Pingback: Waa Maxay Digital Marketing? Suuqgeynta Dhijitalka Ah

  2. Pingback: Muhiimada Uu Sharciga U Leeyahay Bin’aadinka Dhaxdiisa ?

  3. Pingback: Qaanuunka 15-ka Daqiiqo

  4. Pingback: Casariye Wali Mala Caariyeysay?

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top