meegaar tech

Dropshipping

  1. Dropshipping model 
  2. sidaxda qeybood uu ka koobanyahay dropshipping
  3. shopify iyo oberlo
  4. maxey diintu ka qabtaa ganacisga dropshippingka

Ganacsiga dropshipping qaabke ayuu u shaqeeyaa

dropshipping

Mid kamid ah ganacsiyada E-commerce oo ah onlineka in wax lagu kala gato ayaa kamid ah dropshippingka hadii fasiraad soomaali ah la saarana naqaneysa dadaal online. Droppshippingku waa ganacsi aad alaabo gadeysid alaabtoos oo aan gurigaaga oolin bakhaar kuu oolin meelna kuu oolin, alaabta kaliya xayeysiis ayaad u sameyneysaa adigoo isticmaalayo website kuu qaas ah waxaadna galineyso xogta alaabtaas ku saabsan hadey ahaan laheyd qiimaheeda, faa’iidooyinkeeda.

Sidoo kale waxaad xayeysiin ogu sameyn karta social media-ha kala duwan si aad oga hesho macmiil badan. Qofkii alaabtaa soo dalbada ee macmiilka ahna waa loo geynayaa adigana faa’iidadaa ayaad ka dhax qaadaneysaa.

Dropshipping model-ka

Qof customer kuu ah ayaa alaab kasoo dalbanaya websitekaaga lacagtii buu bixinayaa iyo address alaabta loogu hagaajin lahaa lacagtii markii uu bixiyo xogta qofkaas uu alaabta ku dalbaday sida addresskii waxey u gudbeysaa warshadii, warshadiina waxey u direysaa address alaabtii laga soo dalbaday iyadoo iska hubineysa inuu qofkaan payment sameeyay.

Tusaale haddii shirkadu ay gadeysa alaab khiimaheedu joogo $200 oo laga iibsado websitekaaga shirkadu waxey qaadaneysa $150 halka adiga laguu goynayo $50 dropshoppingku xaqiiqadiisa waa intaas oo wareeg ah.

 

Sidaxda qeybood uu ka koobanyahay dropshipping

  1. Waa inaad leedahay website ama store dukaan online ah si aad oogu soo bandhigno badeecadahaaga noocyada ay yihiin, sidoo kalana leh magic sax ah logo kuu gaar ah brand dhameystiran.
  2. Waa in uu leeyahay products waa in badeecadahaas lagu gadaa websitekaaga oo uu websitekaagaas gado badeecado xiiso leh oo u kala baxa laba nooc:
  • Niche products noocaan waa in aad suuq gaar ah xooga saarto hadii aad tahay qof cunto karinta ku xeel dheer inaad gado alaabaha cunto Karinta sida kuwa qudaarta lagu shiido, kuwa cabitaanada lagu shiido dhamaan waxyaalaha cunto karinta iyo jikada ku saabsan inaad ku gado meeshaas. Si guud niche product waa suuq gaar ah oo gada hal badeecad oo isku soo naqnaqda oo isleh sida qalabyada electronicska oo kale.
  • General product badeecado guud oo markaa suuqa laga xiiseynayo dadkuna ay jecelyihiin xalna u ah caqabad jirta suuqana baahi weyn looga qabo ayaad ku gadi kartaa.
  • Suuqgeynta/marketing si alaabtaan aad keentay lagaaga gato dropshipping kaagaana u shaqeeyo waa in aad u sameysaa suuqgeyn xoog badan dadka aad u bandhigto si lagaaga gato alaabtaan meel dheerna aad gaarsiin karto badeecadahagan adigoo sharaxaya. Dhamaan markii aad productgaaga iyo xogtiisa oo dhameystiran aad galiso webstiekaga waa in aad usameysaa xayeysiin iyo suuqgeyn.

Qodobkaan suuqgeynta ah waxaa aad kaaga sii caawinaya suuqgeynta dhijitaalka ah maadaama ganacsigaaga uu yahay mid onlineka ah sida social media qeybihiisa kala duwan.

Halkaan ka aqriso mawduuc ku saabsan suuqgeynta dhijitaalka ah Digital marketing.

Markii aad u sameyso xayeysiin badeecadahaan dropshipping ahaan waxaa ay gaarayaan dadkii macaamiisha ahaa ku celcelis badan  kadibna macmiilkii waxa uu sameynayaa dalab badeecadii ayuu dalbanayaa, midna ogsoonow badeecadan ma’aha mid gurigaaga taalo bakhaar ama store aad adiga leedahay midna kuuma taalo websiteyo kala duwan balse oo uu ugu weyn Ali express ama Ali baba ayaa badeecadaha sawiradooda iyo macluumaadkoodaba haya websitekaas ayaad galeysaa badeecada markaas aad u baahantahay hadey dhartahay hadey electronics tahay hadey general products tahay qiimaha wareejinta iyo geysmada ayaad kasoo ogaaneysaa. Waxaa jira softwares arimahaas kuu fudeydinaya oo lagu ogaado.

Shopify iyo oberlo

Shopify waa shirkad E-commerce ah websitekeedana wax lagu dhax gado. Oberlo waxaad ku install gareyneysaa websitekaaga wuxuuna kuu sahlayaa in uu kuu noqdo sida store. Markaad sameyso ayaad storekaaga onlineka ah usoo rareysaa alaabtaadii aad kasoo qaadatay.

Waxaa jira wax la dhaho E-bag sida shippingka oo kale ah ayaad ku xereysaa websitekaaga kaasoo kuu suurta galinaya in alaabtaada laguu qaado oo laguu geeyo wadankasta oo alaabtaada laga soo dalbado iyadoo kaa qaadaneysa khidmad ku kala wadamada.

Waxaa dhici karta in product raqiis ka ah Alibaba ama aliexpress khiimahiisuna ka joogo $4.99 ayaad ku gadeysaa khiima gaaraya $15.99 waxaa $5 kaa jaranaya shirkada asalka aad kazoo qaadatay alaabtaas waxaa halkaas kaaga soo baxeysa  faa’iido dhan $11 xataa hadii aad adiga suuq fiican leedahay waxaad sameyn kartaa in badeecadahaaga aad adiga nashqad gaar ah saaran kartid si ay kaaga harto logadana iyo astaanta shirkada aad kazoo qaadatay alaabtaas adigoo u sameysanaya astaan kuu gaar ah oo lagugu garan karo.

Qofkaas dropshipping kaasoo dalbaday alaabta meeshuu doonaba dunida haka joogee badeecadii ayaa ku gaareysa meeshiisa isagoo ku xisaabtamaya astaantaada. Qaabkaa waa qaabka uu u shaqeeyo ganacsiga dropshippingka ah.

Waxaad arkeysaa badeecado badan oo lagu iibinayo meelaha qaar $20 ilaa $30 hadii aad ka barto Aliexpress ama Alibaba khiimaheedu uu ka joogo $3 $4 wax lamid.

Maxey diintu ka qabtaa ganacsiga dropshipping ka

Balse ganacsiga dropshipping ka ee noocan u dhacaya culimadu waxey sheegaan inuu xaaraan yahay maadaama ay tahay badeecad aadan gacanta ku heynin ama milkiyadeeda aadan laheyn sawabtoo ah lama hubo in badeecadani ay gaareyso qofkii gatay, diinteenuna waa mid waasac ah oo waxwalba fududeysay.

Waxaa jirta beec salaam la dhaho oo kamid ah noocyada wax loo iibsado waagii nebiga scw yimid madiina ayaa ibnu cabaas waxa uu soo warinayaa in beeraleyda timirta gada oo kale ay lacagta hormarsiisan jireen si ay beertii usii diyaariyaan usii falaan dalagiina oga soo gooyaan, hadhow markii dalaga soo go’ana dadkii lacagihii sii baxdasaday sidii loogu sii geeyo badeecadahoodii.

Nebiga scw waxa uu yiri in waqti gaar ah waa in la gooya waqti gaar ah miisaan gaar ah waa in la ogaan karo imisa ayey ugu imaan kartaa, miisaankeedu inta uu yahay, waqtiga uu ku heli karo. Intaa hadii aad damaanad qaadi karto beecii xalaal ayuu naqanayaa laakiin hadii aadan damaanad qaadi Karin oo aadan hubin Karin in qofkii macmiilka ahaa ay gaareysa fadlan ka taxadar in qof muslim dhaqaalihiisa aad qasaariso.

Culimada qaarna waxa ay dhahaan waa in aad xustaa oo aad dhahdaa alaabtaan waqti xaadirkaan ma hayo laakiin waxey kugu imaaneysaa laba isbuuc sidax isbuuc inta mudo aad ugu geyn karto kadibna aad dalabkii u sameyso qofkaas markaasna aad lacagtaadii kasii qaadato ama hadhow aad faa’iidadaa oga jaratid markii alaabtii ay gaarto isagoo lacagtii bixiyey. Dropshippinku qaab noocaas ah ayuu u shaqeeyaa

Similar Articles

Ganacsi

Qaabka loo dejiyo qorshe ganacsi Guulesyta

ChatGPT

Waa maxay chatGPT siduu u shaqeeyaa ?

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top