meegaar tech

Janada jiirarka

  1. Natiijada soo baxday
  2. Maxaa dhacaya haddii nolosha waxwalba aan u baahano aan helno
  3. Waxa caalamka reer galbeedka ka taagan
  4. Gabo gabo 

Jiir! Wali ma is weydiisay sawab bin'aadinka ukala daraja sareeyo

jiir

Muxuusan bin,aadinka uwada dharagsaneyn haddii gaajo farqiga laga sinaan lahaa maxaa dhici lahaa laga yaaba mar un inaad isweydiisay su’aalaha iyo kuwa lamid ah tijaabad jiir yaa inooga jawaabeysa midaas.

Janada jiirarka

Janada jiirarka waa magacii uu ula baxay john kalhon oo ah aqoonyaha cilmiga xeywaanada ah, Tijaabadii uu sameeyay sanadii 1958 – 1962 ayaa waxaa meel yaroo ku xareeyeen jiirar/dooli gaaraya 8xabo lab iyo dhedigna isugu jira, waxeyna u dhameystireen waxwalba oo uu ubaahanyahay jiirkaas cunto iyo cabitaanba, halkaas ayey mudo ku jireen oo ay cunayeen cabayeen. Kormeer joogto ah oo uu ku hayey John kalhon waxey bilaabeen iney si degdeg ah u tarmaan maadaama ay dharagsanyihiin wax ka maqana aysan jirin naftoodiina ay u sheegeyso kaliya iney ka maqantahay galmo ayna sidaas si xad kabax ah u ilma dhaleen.

Mudo sanad ah kadib jiirarkii waxaa uu ka dareemay in tarantii ay yaraatay dhaxdoodiina waxaa ka bilawday is kooxeysi iyo midba midka uu ka weynyahay inuu maago jiirarkiina yaryaraana ay baqdin la dhiman gaaraan, jiirarkii dhediga ahaa ayaa waxaa ay bilaabeen iney nafahoodii iyo dhalaankoodiiba ay difaacan waxeyna go’aan ku gaareen in jiirka labka ah dambe uusan u xaaji gudan usoo galmo doonan iyaguna ay iska adkeystaan. Jiirarkii waaweyna ee labka ahaa ayaa bilaabay iney xoog wax ku raadiyaan iyo kufsi dhaxdoodiina ay wax iska dayaan maadama aysan camal aan galmo aheyn heynin oo waxwalboo kale cuno iyo cabitaanba lagu quudiyo si hagar la’aan ah iyadoo ay taalo cunto noocwalba oo ay jiirarku cunaan haddana si xoog iyo isla weyni ah ay uga qaataan kuwii dhalaankii iyo kuwii tabarta darnaa.

Jiirarkii maadaama loo diiday galmo toos ah iney la sameeyaan jiirarka dhediga ah ayaa ay bilaabeen iney dhaxdoodii ay wax iska dayaan iyo kuwa tabarta darana ay wax ka dayaan oo ay hunguriyeeyaan halkaas waxaa kasoo bilawday jiilkale oo diidayba la xaajoodka dumarka oo lab lab wax ka dayay ah noqday sidaasna marba marka ka dambeysa hoos ugu sii dhaceysay tiradii jiirarka.

Natiijadii kazoo baxday tijaabadaas

Natiijadaan layaabka iyo u qaadan waaga ku noqotay John kalhon iyo kooxdii Tijaabada waday ayaa keentay si loo xaqiijiyo xaqiiq ahaan natiijadaa in ay dhoor jeer ku celceliyeen jiirar kala duduwana ay galiyaan ilaa mudo gaareysa 25 mar oo tijaabo ah marwalbana natiijada waxey kusoo gabagaboobeysay isla midaan soo sheegnay.

John kalhon ayaa kooxdii la shaqeyneysay waxaa daraasadaa kusoo aruuriyeen falaqeyn nafac badan leh, waxa ugu horeeya iney kala jiraan laba dhimasho dhimashada hore iyo dhimashada dame, mida hore ay tahay inad weydo macnaha nolosha iyo ujeedkii iyo hadafkii aad u nooleyd ee aad subax walba u tooseysay. Daraasadanina waxaa ay noqotay tusaalaha looga shidaal qaato burburka bulshooyinka iyo marka ay umadii halaagsanto waxa sababa iney iyada gacanteeda ku keynsato.

Maxaa dhacaya haddii nolosha waxwalba aan u baahano aan helno

Haddii nolosha waxwalboo aynu u baahano aan heleyno saboolnimo baahi iyo wax naga kala dhiman oo aan raadineynaana aaney jirin dadkoo dhamina ay wada hantiilayaal yihiin cid mustaqbal dambe ka fikireysaana aanay jirin dadka iyaga ayaa dib isugu noqonayo oo qolaba qolada kale ku mashquuleysaa heer waxwalboo xun lagu dhiirado. Haddii uu caqliga waayo mushkilad uu xaliyo iyo dhib uu ku mashquulo xalkeeda isaga ayaa sameysanaya wax uu ku mashquulo badanaana ah wax aan natiijo qurxan ka imaaneyn.

Halkaan ka aqrsio macduuc ku saabsan Sharciga

Waxa ka taagan maanta caalamka reer galbeedka

Waa waxa ka taagan caalamka reer galbeedka hada, oo u diyaariyo qofka inuusan ka baqin waxa ugu yar oo ah inuu waayo wuxuu cuno uu cabo wixii raaxo baashaalna gaari iyo guri ahna uu bank-ga kasoo deyn qaadanayo hadhowna uu u shaqeeyo in uu deyntaa iska gudo markuu gudana uu u arko inaan mushkilad kalaba heysan oo aan ka aheyn inuu xal u raadiyo shahwadiisa.

Gabo gabo

Markii ay waayeen camala kalaa oo ay ku mashquulaan iyagu ay sameysteen wax ay ku mashquulaan. Qowmu luudnimo, ilaahey oo ay la dagaalamaan iyo ilxaad fidradii saliimka aheydna ay ka tagaan. Reer galbeedkuna waxa u haaya imika wadadii jiirarkaa.

Barnaamijkan qiimaha leh waxaa hore u baahiyay isagoo muuqaal ah ustaad aadan sahan

Nacab Cadaw Hormaakaga ayaa laga xunyahay waa kuma NACAB

Ka xumaashaha dadka guulahooda, maqlida ereyo nacab iyo in qofi hormarkaga ka xunyahay nacabka hala buufiyo waa ereyo in badan aan maqalno oo ka turjumaya in qofi lagu soo duulay cadaw aan la aqoona yeeshay.

Dhanka cilmi nafsiga waa suuragal in qofku ka xumaado qofkale guulahiisa waxqabadkiisa ama uu ku farxo guuldaradiisa ama dhib soo gaaray qofkaa kale, inta badana waxaa sababa tarbiyada kasoo bilaabatay yaraantiisa iyo qaab barbaarintiisa, haddii aadan yaraantadii soo helin tarbiyad caafimad qabta waxey inta badan keentaa in weynaantaada ay celado badan kugu soo baxaan. Soomaali ahaan waxaa awlaada loo barbaariyaa qaab ku dhisan tartan adigoo badi waalidkaa ka maqli jiray hebel ayaa kaa fiican, waalagaa fariidsanyahay, hebel oo kale maxaad u noqon weyday. Taasina waxey sababtay in qofka ka xumado dhigiisa kale waxa wanagsan uu sameeyo. Waalidkuna ay ka tahay dhiiragalin iyo ilmahaaga hakuu wanaagsanaado

Marka aad ku u fiirsato soomaalida waxaad arkeysaa caruur iyo ciroolaba in lagu sifeesanyahay habdhaqankaan xun, haddii qof aad ku ak amaanto qofkale adigoo tilmaamaya wanaagyadiisa kadib uu si fudud  kugu yiraahdo nasiibka ayaa caawiyey, nasiibkiisa ayaa ahaa dadkaloo ka wanagsan ayaa jira. Markuu caay iyo aflagaado kale u waayo baa laga yaaba inuu dhaho korka unbad uga jeeda ee gudahiisa wey wasaqeysantahay. Qofkaan oo kale waxaa heysata xaalad nafsi ah oo u diideysa inuu maqlo wanaagyada ku saabsan dadka kale.

Soomaalida iyo nacab la dagaalanka aad buu xagooda buunbuunin uga yahay iyadoo hadana xaqiiq ahan ay jirto in qofi qofkale ka xumaan karo. Marka qofku fashilmo baa eedihiisa dusha ka saarinaya cid aan shaqa ku laheyn. Waa dhab in ay jiraan dad raba ineysan wax ku hagaagin kuwa fashilmayba ha u badnaadaanee, se runtu waxey tahay markaad adigu leedahay doonis adag inaaney cidina ku celin kareyn. In dadku caajiskooda iyo waxqabad yaridooda ku eedeeyan dadka kale waa ta sababtay in lawada buufinayo nacab aan la garaneyn jiha uu kaa jiro.

Xaaladani side uga bixi karnaa ?

Ugu horeyn waa in waalidku uu ku baraarugsanaadaa is barbardhiga caruurta iyo dhibaatadeeda si ay usoo baxaan jiil nadiif ah. Waa In kor loo qaadaa wacyiga ku saabsan xaaladaha nafsiga ah. Waa in qofku isla markii uu ka xumado qofka kale wanaag uu gaaray waa inuu joojiyaa naftiisa oo uu dib ugu noqdaa naceyka uu u qaadi lahaa qaxqabadkii qofka kale.

Waa inaad niyada ku heysaa dadka kale guushooda in aaney taada wax ka dhimeyn farxadaada aaney wax ka badaleyn taada.

Gabo gabo

La jeclow dadka wanaaga u hambalyeey usacabatum qofkaad la farxeysana niyad ah ula farax, tani waxey sababeysaa inuu wanaagsanado xiriirka dadka kale kaala dhaxeeya waxeyna u wanaagsantahay caafimaadkaaga iyo daganaanta maskaxdaada.

Similar Articles

Digital marketing

Waa maxay Digital marketing? Suuqgeynta dhijitalka ah!

Web Design iyo Web Developer

Farqiga u dhaxeeya web design iyo web developer?

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top