meegaar tech
  1. Visual identity designer 
  2. Marketing advertising designer 
  3. User interface (UI) designer
  4. Publication designer
  5. Motion designer
  6. Environmental designer
  7. SU’AAL 
  8. Ugu dambeyn

Kahor inta aadan baran graphic design-ka 8daan qodob iska fiiri

Graphic design

Waa kuma graphic design-ku? Waxaa laga yaaba in haddii aad maqasho ereyga graphic design ay maskaxdaada kusoo dhacdo waa qof nashqadeeya ama design gareeya materials-ka kala duwan ee wax lagu daabaco ama media-ha loo isticmaalo.

Sidoo kale waxaa muhiim ah inaad taqaano graphic design noocee ah ayaad tahay waxaan u qeybineynaa 8 qeybood oo loo qeybiyo graphic design-ka qeybtee ayaad ka tahay adiga ayaa is garan doona.

Graphic design-ku waa loo isticmaala softwares kala duwan qasabna maaha inaad barato dhamaantooda waxaa kuu cadeynaya software aad u baahantahay inaad barato noociisa nooca graphic design ee aad rabto inaad barato.

1. Visual identity designer

Qeybtani waa qofka ka masuulka ah ee sameeyaa Full Branding-ka isaga qofkaasi masuul ka noqon doona dhamaan min bilaw ilaa dhamaad nashqadeynta shirkad sida Logadeeda, colors-keeda, patterns typography-ga ay isticmaaleyso ilaalinta gaar ahaanshaha nashqada shirkadaas sida Business cards, ID card, invoice-ka,  shopping bag, koofiyadaha, finaanadaha, letterheads-ka iyo kuwa kale ee lamidka ah.

Sidoo kale qofkaan wuxuu dajiyaa xeeladaha shirkadaha qaabka sumadooda uu uga duwinayo shirkadaha kale. Masuuliyadiisa ugu weynina waa ilaalinta Branding qaaska ah ee shirkada.

2. Marketing & Advertising designer

Qofkani waa qofka ku taqasusay marketing iyo advertising graphic design-ka tusaale product poster’s, stickers, billboards, stamp banners, brochures. Si uu muujiyo alaab si wacan loo nashqadeeya indhaha macmiilkana soo jiidanaya.

Qofkani kuma filna kaliya inuu barto toolska wax lagu nashqadeeyo ee wuxuu u baahanyahay inuu waxbadan ka fahmo marketing-ka qaabkuu u shaqeeyo iyo sida loo kastabado dareenka dadka.

3. User interface (UI) designer

Noocan graphic design waa qofka ku taqasusay sameynta applications-ka ama website ha noqdo ama apps ha noqdo, material kasta ee uu qofka user-ka ah la macaamilayo oo ah digital. Ma’ahan qasab qofkan in uu coding-ka iyo programming-ka yaqaano kaliya waxa uu diyaarin karayaa wajiga hore iyo bogaga kala duwan ee applications sida Website-ka iyo Appska.

Qofkani wuxuu ku taqasusay qaabka uu qofka user-ka ah u isticmaalayo materials-ka buttons-ka u design gareynayo, meesha uu menu-ga dhigayo, meesha uu headingka dhigaayo. Qibrad ayuuna u leeyahay appskan uu dhisaayo qofka macmiilka ah qaabku u isticmaali lahaa.

4. Publication designer

Qofkani waa qof ku taqasusay sameynta buugaagta magazineska annuall reportska, interactive pdfka iyo wixii lamid ah. Nooca tool ee qofkani anfacayaana waa Adobe illustrator, indesing, photoshop.

5. Packaging designer

Qofkani wuxuu ku taqasusay sameynta iyo nashqadeynta materials packageska, shey kasta oo wax lagu soo dhaxridayo waxaa design gareeya qof designer ah qofkanina wuxuu qaabka uu sheyga boxka lagu ridayo u ekaanayo, qaabkuu u laablaabmayo, qaabka colorkiisu naqanayo. Sawabtoo ah waxaa loogu talagalay qofka inuu si simple waxaan uu u isticmaalo u furfuro, sidoo kale marka uu meel saranyahay qofka inuu soo jiidan karo packagingkaan la sameeyay.

6. Motion designer

Dadka inta badan noocani waxey u yaqaanaan video editing mana ahan waayo softwares ayaa lagu magacaaba video editing sida hadaad isticmaaleyso Premiere pro, Filmora Final cut pro iyo DaVinci Resolve, se qofka personalkiisa ma’ahan video editor ee motion graphic designer.

Qofkani wuxuu sameeyaa animationska kala duwan sida vector animationka text animationka qofkii sameeya wax animation dhaqaaqaya ayaa loo yaqaana motion graphic designer.

7. Environmental designer

Noocani waa nooca ugu yar soomalida xageeda aadbuu ugu yaryahay waa qof ku taqasusay inuu design gareeyo stageska waaweyn ee shirkadaha waaweyn wax kusoo bandhigaan. Sidoo kale qofkani wuxuu ku taqasusay nashqadeynta cafeteria-da waaweyn, menuska locationska, dabaqyada, moolalka waaweyn.

Tilmaamayaasha meelaha mamuuca ah awaamiirta ku qoran darbiyada haga yaalka wadooyinka qofkani ayaa loo yaqaanaa environmental graphic designer.

Halkaan ka aqriso maqaal ku saabsan Farqiga u dhaxeeya web design iyo web developer

8. Art and illustration designer

Qofkani wuxuu inta badan ku taqasusay inuu nashqadeeyo 3D gaming, 2D images, vector imageska, cartoonska, patternska, drawingka. Sawirada darbiyada dadka sameeyo  ayaa ah art and illustration graphic designer.

Guud ahaan 8daan qeybood ayaa loo kala qaadaa graphic design-ka waana ay ka badnaan karaan.

SU’AAL?

Waxaa laga yaabaa inaad isweydiiso adiga 8daan nooc midkee ayaad tahay Applicationka aad istocmaaleyso 8daada qeybood nooca aad adigu tahay ayey ku xirantahay. Qaabka ay ula macaamileyso shirkada adobe sideedan qeybood ee graphic design.

Waxaa marka hore qasab hadii aad designer inaad taqaano labada software ee kala ah Adobe photoshop iyo Adobe illustrator badanaa waa labada qasabka tahay qofka inuu yaqaano si uu ugu sii gudbo noocyada kale ee designernimo. Halka kuwa kale ay yihiin kuwa ku xeran nooca graphic design ee adiga taahy

Haddii qofka sameeya user interface (UI) graphic designer waxaad ubaahantahay softwarada kala ah Photoshop, illustratorka, Adobe XD shaqadiisuna waa inuu marwalba diyaariyo waxa loo yaqaano prototypingka oo ah qaabka uu isku bandhigayo websiteka ama applicationska isaga oo sawir ah.

Qofka publication graphic designerka ahi wuxuu ubaahanyahay softwareda kala ah Adobe photoshop illustrator iyo indesign. Adobe indesignku waa software loogu talagalay Publicationska buugaag ha noqoto magazineska borchures iyo wxii lamid ah.

Qofka raba inuu noqdo motion designer softwareska uu ubaahanyahay waxaa kamid ah Photoshop iyo illustrator waxaana soo raacaya adobe audiation oo loogu talagalay inuu hagaajiyo codka iyo aodbe after effect waana softwareka loogu talagalay in motion designka lagu sameeyo iyo sidoo kale waa adobe premiere pro sidoo kale waxaa caawin kara adobe encoder.

Ugu dambeyn

Marka hore waa inaan soo koobnaa graphic designer nooce ah ayaa tahay 8deedaan qeybood keebaad adigu tahay. Sidoo kale waxaad awood u leedahay inaad sideeda qeyboodba aad wada barato wax kaa hor joogsanayaana ma jiraan.

Kaliya waxaa ubaahantahay inaad dadaalkeeda la imaado ku dhax jir badana sameyso. Maqaalkaan qiimaha badan leh waxaa isagoo muuqaal ah hore uga diyaariyey ustaad Mohamed KOOSHIN

Similar Articles

Digital marketing

Waa maxay Digital marketing? Suuqgeynta dhijitalka ah!

Casariye

Casariye wali mala caariyeysay?

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top