meegaar tech

Qorshe ganacsi

  1. Market reseach / Market analysis
  2. Customer / Cosumer
  3. Hirgalinta
  4. Sales & Marketing
  5. Ugu dambeyn

Qaabka loo dejiyo qorshe ganacsi Guulesyta

Ganacsi

Waxaa laga yaabaa in inbadan aad ku fakartay inaad ka baxdo shaqaalenimada ama lacag isku aruurso mashruuc ama ganacsi bilaw, balse inta aadan ganacsigaa bilaabin lana shaqo gilinin waa in aad leedahay qorshe ganacsi (Business plan)

Qorshaha business wuxuu leeyahay xeelado badan oo kala duwan marka shirkad weyn loo dajinayo shirkad ganacsi waxaa jira reportyo la qoro iyo document aad u balaaran hadey ahaato dhinacyada sida: Financialka, marketing, operationska iyo dhamaan waxwalbuu qorshe ah oo uu ganacisgaas u baahanyahay.

Waxaa jira 4 qaab oo aad u sameyn karto qorshahaaga ganacsi. Qodobka koobaad ee ugu muhiimsan ayaa ah Market Research

1. Market Research / Market analysis

Businesskaan aad bilaabeyso iyo meeshaan aad ka bilaabeyso waa inaad baaritaan dheer aad ka sameyso ma looga baahanyahay businesskaan aad hirgalineyso, fursadi maka jiraan suuqa iyo bulshada dhaxdeedaba, waa inaad fiirin karto supply iyo demandka baahi intee la eg ayaa loo qabaa, maka jiraan dad ganacsigaan oo kale competitors leh oo kula tartamaya.

Marna qofna ha weydiinin inuu ku siiyo fikrad ganacsi kadibna aad adiga baxdo oo si toos ah ganacsigii u dhaqangaliso, marwalba waxaa isku daysaa inaad cilmi baaris ganacsi ku sameyso goobtaan aad rabto inaad ganacsiga ka sameyso.

Sidoo kale waxaa baaritaan ku sameysaa waliba si dagan in waxa suuqa ku jiraan iney qaali ku yihiin, side ukala baxaan magaalada meel fog miyaa looga keenaa, meel dhaw ma laga heli karaa, dad noocee ah ayaa iibsada, meeqa qofood ayaa daneyneysa oo iibsada.

Haddii aadan soo baarin oo aadan soo sameyn research suuqa ah waxaad la kulmi kartaa caqabado badan oo kaaga imaada businesskaas, iyo laga yaababa inaad qasaaro ba’an ku gasho.

2. Customer

Macmiilku waa laf dhabarta ganacsiga la’aantiina ma socon karo. Waa in aad ogaato cida ay yihiin customerskaagu inta aadan bilaabin waa inaad sii ogtahay macmiilkii kaa gadan lahaa nooca uu yahay astaamaha uu leeyahay.

Marnaba ma shaqeyneyso business baan iska furayaa mana ogi inta jeer ee la iibsado badeecadiisa, dadka noocee gadanaya, mana ogi ma guuleysan doona mise wuu qasaari doonaa. Haddii aan la fiirinin qodobadaan oo aan si fiican looga shaqeyn waxey kamid yihiin qodobada ugu badan ee ganacsiyada bilawga ahi ku qasaaraan.

Tusaale kamid ah businessyada guuleysan kara waxaa kamid ah
  • Greenhouseka waa beerashada casriga ah ee qudaarta lagu beero noocyadeeda kala duwan sida yaanyada, qajaarka, koostada, barbaroonida, straweryga, kaarootka.

Sawabta aan greenhouseka tusaale oogu soo qaadaney ayaa waxey tahay waxaad sii ogtahay dadka macmiilka kuu sii noqon doona waxaa kaa iibsan doona xaafada oo si maalinle ah looga isticmaalo qudaarta, waxaa kaa iibsan doonaa maqaayadaha iyo Hotelada waaweyn, waxaad kalood ogtahay in maalin kastaayi la gato baadicadani oo dadku qudaarta iyo cunto kama maarmi karaan.

  • Dharka waxaa jira xiliyo kala duwan oo la gato dharka iyadoo loo fiiryo mararka qaar xiliyada qaboobaha xiliyada kuleelaha marba cimiladu nooca ay tahay.

Waa inaad ogaataa macmiilka  qofka soomaaliga ah siduu wax ku qiimeeyo badina soomaalidu waxey wax ku qiimeeyaan wax qiima jaban leh sahlan oo uu si fudud ku gadan karo.

Qofka soomaaliga ah kuma weydiinayo meesha ay ka timaaday cida soo saartay waxa laga sameeyay dharkani ee wuxuu fiiriyo qiimaha sheygani inuu ku iibsan karo iyo inkale waana halbeeg muhiim u ah ganacsi leyda dharka ee soomaaliyeed

3. Hirgalinta

Markaad soo ogaato iney fursadii businesskaan banaantahay macmiilkiina loo heli karo waa inaad ogaan kartaa qaabkaad businesskaan u hirgalineysid, waxyaalaha uu kaaga baahanyahay, qorshihii lagu hirgalin lahaa iyo day to day ooperations-ka (Day to day operations waa howl walba oo si maalinle ah loogu qabto ganacsigaan.)

Meeqa shaqaale ah ayuu ubaahanyahay Tusaale greenhouseka hadaan kasoo qaadno dhul intee la eg Ayaan ubaahanahay cabir ahaan, materialska iga galaya sida shabaqa tunbooyinka biya mareenada ah, fuustooyinkii biyaha ii keydin lahaa, meeqa badeeco kala duwan ayaan ku beeraya. Waxaasoo dhami waa in ay kugu jiraan qorshaha si aad oga fogaato wax caqabad kugu noqdo ama qasaara kuu keena.

4. Sales & Marketing

Waxaa businesska oo dhan ugu muhiimsan waa in waxan badeecadan lasoo saaray la iibiyo waa iney dhacaan suuqgeyn kadib lagu iibiyo. business hadaanan waxba lagu iibiney wax faa’iido ah maleh wax dhaqaala ahna masoo saarayo. Waa inaad garan karto ama aad baaritaan ku sameyso qaabka aad ganacsiga uu suuqgeyn laheyd dadka ugu soo bandhigi laheyd u dhihi laheyd productkan ayaan hayaayee kaalay ila arag.

Macaamiisha aan qodobka labaad kusoo qeexnay waxey ubaahanyihiin in product la fahansiiyo waxa uu yahay la tuso loona soo bandhigo iyadoo la adeegsanaayo suuqgeynta dhijitaalka ah iyo mida tradionalka ahba.

Halkaan ka aqriso muhiimada ay leedahay Suuqgeynta dhijitaalka ah Digital marketing.

Muhiimada ugu weynina waa in macmiishii aad targetka kasoo dhigatay ay ku ogaan karaan aad ogeysiin karto in waxa kan aad heyso, waqtigey kaa heli karaan iyo qaabkey kaaga heli karaan.

Tusaale haddii aan markale greenhouseka suuqgeyn oogu soo qaadano. Inuu bartilmaameedsado si toos ah inta hotel ee uu si maalinle ah oogu geyn karo qudaartiisa, meeqa supermarket ayaa qudaarta iisiibin kara, meeqa tuulo ayaa leyga iibsan karaa ama aan gaarsiin karaa qudaarta.

Hadaanu businesska iibsameyn wax faa’iido ah masoo xareynayo qasaarihiisuna marba marka ka dambeyso wuu sii balaaranaya ilaa uu kula gaaro heer aadan sii wadi Karin ganacsigaan.

Sidoo kale waa in aad leedahay qaab hal abuur leh oo aad ku casriyeyso kuna hormariso badeecadaan aad heyso qarashkeedana aad ku dhimi laheyd, marwalbana badeecado cusub aad oogu soo biirin laheyd ayaa kamdi ah marka la dehinayo qorshe ganacsi.

Ugu dambeyn

Qofkasta oo rabo inuu ganacsi noocuu doonaba ha ahaadee sameeyo waa in afartaan qodob ee lagama maarmaanka ah soo maraa si uu ganacsigiisa oga dhigo mid guuleysta waa in uu la kaashadaa dadbadan shaqaalana adeegsana sina macquul uma ahan in howl waliba oo ganacsigaan ku saabsan aad adiga wada qabato e.

Similar Articles

Sharciga

Muhiimada uu sharciga u leeyahay bin’aadinka dhaxdiisa ?

jiir

Jiir! Wali ma is weydiisay sawab bin'aadinka ukala daraja sareeyo

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top