meegaar tech

QANUUNKA 15-KA DAQIIQO

  1. qodobka 1-aa
  2. qodobka 2-aad
  3. qodobka 3-aad
  4. qodobka 4-aad
  5. qodobka 5-aad
  6. qodobka 6-aad
  7. qodobka 7-aad
  8. Gabagabadii

Qaanuunka 15-ka daqiiqo

15-ka daqiiqo

15-ka daqiiqo dunidaan aan joogno waxyaabaha lagu hormaray ama lagu kala hormarsanyahay ibni’aadinka ku kala horeeyo waxaa kamid ah qorsheynta noloshooda, qofka siduu noloshiisi u qorsheeyo u qaabeeyo u hagaajiyo ayuu kaga duwanaan karaa ama kaga sareyn karaa cidkasta oo ay isku jaal yihiin.

ALLAH SW markuu koonkan abuuray bin’aadin ayuu keenay, waxyaabaha ibni’aadinka ay ka simanyihiina waxaa kamid ah waqtiga qofwalba 24 saac ayuu heystaa, deeqaha Allah sw waa loo simanyahay. Qawaacida Allah sw u dajiyay aduunka qofkii raaca waxwalbuu siinayaa gaal ha noqdo ama muslim ha noqdo marwalba haduu qawaacida Allah sw raaco barwaaqo buu siinayaa, waa aduunka aakhira’se waxey ku xirantahay qofkasta camalkiisa iyo Alle ka cabsigiisa.

Waxaa kaloo laga simanyahay sida aduunkan waxa yaala looga faa’iideysan lahaa haba lagu kala duwanaadee badqabka jireed qofbaa laga yaaba inuu curyaan yahay qofbaa laga yaaba inuu maqalka la’yahay adna aad intaba heysato. Hadana waxaa dhici karta qof aan lexdiisa lexaad u dhameystirneyn oo waxwalba Allah u fududeeyay hormaro waaweyna sameeyay.

Waxaana kamid Stephen hook oo ah mid ka mid ah dadka ugu caansan ee cilmiga fisigiska looga dambeeyo hadana aaney jirkiisa xubin kamid ah shaqeyneyn xitaa codka mashiin baa kazoo saara. Se qofwalba fursadaha Allah siyey iyo  siduu uga faa’iideysto ayey ku xirantahay horumarka oo gaarayo.

Qaanuunka 15-ka daqiiqo waa qaanuun aad u muhiim ah oo inaan nolosheena ku dabaqno ay keeneyso inaan waxbadan isbadal togan ah sameyno oo jadwalkeena maalinlaha ay qeyb weyn ka noqon doona.

Qodobka 1-aad ee qaanuunka 15-ka daqiiqo

Haddii maalin walba 15 daqiiqo oo kamid ah aan u jaangoyso in isbadal nololeed ay sameyso ama hormarin nafeed ay sameyso marka uu sanadka dhamaado waxa aan dareemi doona in isbadal uu nolosheena ku dhacay.

Qodobka 2-aad ee qaanuunka 15-ka daqiiqo

Haddii maalin walba 15 daqiiqo aan u gaar yeelno inaan nolosheena kusoo kordhino wax faa’iido waxaa meesha ka imaanaya mudo kadib isbadal aan caadi aheyn halkii ay kaaga bixi laheyd maalaayacni kale.

Qodobka 3-aad ee qaanuunka 15-ka daqiiqo

Haddii maalin walba 15 daqiiqo aad u jaangoyso inaad luuqad cusub barato waxay kaaga fiicnaaneysaa ama kaaga wanaagsanaaneysaa intii aad tagi laheyd meel iskuul luuqada lagu barto isbuucii halmar ama laba mar wax lamid ah. Inaad adiga isbarto wax cusub adigoo adeegsanaya internet-ka oo manta jaamacadafuran ah.

Qodobka 4-aad ee qaanuunka 15-ka daqiiqo

15 daqiiqo maalinkaada kamid ah hadaad u gaaryeesho inaad socod iyo rucleyn sameyso waxey kaaga fiicantahay ama ay ka natiijo wanaagsantahay inaad gym aado ama laba mar isbuucii aad naadi ama kooc kubada lasoo ciyaarto ayey kaaga fiicnaaneysaa. Waayo maalinwalba markaad socodkaa sameyso oo jirkaagu energy iyo firfircooni helo waxbadanoo fiican ayaad qabaneysaa laakiin markaad isbuucii oo dhan aad maalin un aad jimicsi sameyso ama kubad soo ciyaarto maalintaasoo idil inaad wada tacbaan ahaato.

Dadka kubada ciyaara ayaa aad u fahmi kara oo markey bishii mar ciyaaraan ama isbuucii buu ka qaadaya lafa xanuun iyo caajis uu kusii rido muruqyadiisuna ay aad tacbaan u noqdaan.

Qodobka 5-aad ee qaanuunka 15-ka daqiiqo

Haddii 15 daqiiqo oo maalinkaaga kamid ah aad u qaasyeesho qiraa’o ku dhiirigalineysa ama qiraa’o manfac leh aad kusoo kordhiso waxa ay kobcineysaa maskaxdaada iyo maankaaga ugu dambeyna waxaa koraya ama kobcaya qaab fahankaaga iyo inaad waxweyn suureysato, aduun aragaaga ayaa balaaranaya hadaad maalin walba 15-ka daqiiqo siiso aqris marka mudo la joogaba in isbadal weyn oo noloshaada kamid aad sameysay.

Qodobka 6-aad ee qaanuunka 15-ka daqiiqo

Haddii 15-ka daqiiqo maalintaada kamid ah aad u qaas yeesho inaad wax qorto waxaa kuu suurta galeysa inaad soo saarto hal maqaal oo aad u wanaagsan oo tafatiran inaad soo saarto ayaa suurtagal kuu noqoneysa taasoo markaa keeneysa in sanadka markuu dhamaadaba in hal buug oo fiican maqaalaadkaga iyo waxyaabihii aad qortay ku saabsan aad soo saari karto.

Waa kaliya 15-ka daqiiqo ee maalinkaga kamid ah aad hal maqaalo 3dii ama labadii cishaba hal maqaal ayaad soo saari kartaa taasoo u dhiganta in sanadkii laga yaabo inaad soo saari karto ugu yaraan hal buug.

Halkaan ka aqriso 4-xirfadood oo muhiim u ah dhalinyarada qarnigaan 21-aad

Qodobka 7-aad ee qaanuunka 15-ka daqiiqo

Qodobka ugu dambeeya ee gabagabada ah waxa weeyaan haddii 15-ka daqiiqo maalinkaaga kamidka ah aad qur’aanka u qaas yeesho waxaa aad dhameyneysaa bishii halmar oo waxaa la dhahaa qofka xisbigii 7 daqiiqo waa ku aqrin karayaa qofkii boobsiinayana 15 – 20 hal jus si caadi ah buu ugu aqrin karayaa. Marka haddii aad intaa sameyso waxey u dhigmeysaa ama macnaheedu ay tahay in bishiiba halmar qur’aanka aad dhameyso.

Runtii waxaa aad u quruxbadan in 15-ka daqiiqo waxyaalahaa yaryara korkaan aan kusoo sheegay ineydan aad ooga fikirin laakiin hada aad dareemi karto in isbadal weyn aad sameyn laheyd haddii noloshaada inta ku dhaaftay aad sameyn laheyd ama aad fulin laheyd, waana wax aad u kooban laakiin isbadalka ya kuu horseedayaan uu aad u weynyahay waa 15-ka daqiiqo oo kaliya maalinkii oo aan ka cudur daaran kareyn inaan waqtigayaga uga goyno harumarinta mustaqbalkeena si uu jaran jar inoogu noqdo oo aan ku fuulno mustaqbal kayaga oo wanaagsan.

Ugu dambeyntii

Waa qaanuun si wacan kaaga caawin doona horumarinta naftaada is baddal weyna kuu sameyn doona hadii aad la timaado. Maqaalkaan khiimaha leh waxaa isagoo muuqaal hore ubaahiyey ustaad Abdalla mansuuri.

Similar Articles

Digital marketing

Waa maxay Digital marketing? Suuqgeynta dhijitalka ah!

Web Design iyo Web Developer

Farqiga u dhaxeeya web design iyo web developer?

1 thought on “Qaanuunka 15-ka daqiiqo”

  1. Pingback: Casariye Wali Mala Caariyeysay?

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top