meegaar tech

Waa maxay chatGPT siduu u shaqeeyaa ?

ChatGPT

Waa maxay chatGPT sidee u shaqeeyaa ? waxaa soo saartay shirkada laga leeyahay mareykanka openAI ee artificial intelligence-ga ka shaqeysa ama maskaxda macmalka ah. Waa bot caqliyeysan lehna awoodaha fahmida luqadaha caalamka oo dhan xitaa luqada programmingta.

Mucjisada technology-yada caalamka technologyada oo ku socda xawaara aan caadi aheyn, waxaan kuu sheegi karaa waxwalboo aad I weydiiso waxaan kaaga jawaabi karaa xisaab walboo aad iweydiiso waxaan kuu qori karaa programming language walba aad rabto waxaan kuu diyaarin karaa qudbado, maqaalo, warar, taariikh. Waxaan ahay maskax ka sameysan fiilo iyo database.

Ai-gaan waxaa  loogu talagalay in ay kuugu jawaabto sida ugu dhaqsiyaha badan wada sheekeysina ay kula yeelato adigoo aan kala dareemeyn inaad la sheekeysaneyso bin’aadin iyo aalad database ku shaqeysa.

Wuxuu si hal abuur leh u adeegsadaa xogta gaareysa 300billion ee lagu keydiyey marka hore wuxuuna baaritaan walba ka keydsadaa xogo dheeri ah.

Ai-gaan waxey ku qaadatay 5 maalin oo kaliya iney kusoo biiraan isticmaalkiisa 1million oo users ah.

Taariikhda kameysan dhicin. Nidaamka ay u shaqeynayeen shirkadaha google iyo kuwa lamid ah ayaa ahaa inaad adiga mawduuca qorato kadibna aad website-ba website oga gudubto oo aad xogo badan sidaas kusoo hesho.

Hadase waxaa meesha ka saartay ChatGPT oo kaliya kaaga baahan ciwaanka iyo waxa aad ubaahantahay isaga ayaana ilbidhiqsiyo kugu qoraya, kuguna soo jawaabaya waxaa aad weydiiso.

ChatGPT malahan shaqsiyad u gaar ah kaliya waxaa la baray inuu kula sameeyo wada sheekeysi macluumada aad weydiisana kaaga jawaabo .

ChatGPT oo boosas badan ka riixday shirkado waaweyn oo technology-yeed!

Stackoverflow oo ay aad u isticmaalaan dadka programmers-ka ah ayaa isagana chatGPT Boos weyn ka cariirsatay.

StackOverFlow waxaa aad u isticmaala dadka programmers-ka ah ee code-ka qora marwalba oo uu code-kaaga cilad soo sheego hadaad weydiiso wuu kaaga jawaabayaa booskaas waxaa ka riixataya ChatGPT.

Oo awood u leh in uu kuu qoro code dhameystiran oo sax ah.

Halkan ka aqriso maqaal kale oo xiiso leh: Janada jiirarka iyo arinta la yaabka leh

Siduu u shaqeeyaa ChatGPT ?

chatGPT ayaa ah mid la programmiyey waxwalbana la baray wuxuu awood u leeyahay in uu kuusoo baaro macluuma uusan aqoon hadii aad weydiiso wuxuu kasoo baarayaa beejaj kala duwan isagoo ku siinaya macluumo ilaa heer lagu kalsoonaan karo.

Wuxuuna kuu soo raacinaya ilaha uu kasoo xigtay macluumadaas.

Marwalba oo aad wax weydiiso chatGPT waxa uu baranayaa macluumad badan oo baaritaanka waxa aad weydiisay ah inta ciwaankaga ku saabsan ayuu ku siinaya.

Inta ka dheeriga ahna waa uu keydsanaya aqoon ahaan. Iyadoo horey loogu baray wax ka badan 300 billion oo macluumo ah

Dhibaatooyinka uu la imaaday chatGPT

Qaarkamid ah caqabadaha uu la imaadayy Ai-gaan ayaa ah dhanka arday iyo macalimiinta marwalba ardayda qaar loo diro assignment waxey toos u aadayaan chatGPT.

Halkaasoo ay ka baxeyso in ardaygu uu research ku suubiyo assignment-gii loo diray, colleges badana waa ay ka tashadeen sidii laga yeeli lahaa chtGPT dhankiisa xun.

Inkastoo ay jiraan aalada kale oo ku shaqeeya AI (Artifial intelligence) hadana chatGPT waxey noqotay mid soo jiidata indhaha caalamka technologyada waxa ugu badan ee manta hormarka balaaran ay sii sameyn doonto AI-da iyo qataraha ay la imaan karto.

Taariikhda AI waxaa laga soo qaada gabagabadii 1950, laakiin ma uusan sameyn hormar weyn oo la taaban karo ilaa sanadihii 1990 – 2000 sababo la xiriira amniga kombuyuutarka, algorithm-ka iyo helida xogta oo adkeyd.

Taariikhda AI waxaa laga soo qaada gabagabadii 1950, laakiin ma uusan sameyn hormar weyn oo la taaban karo ilaa sanadihii 1990 – 2000 sababo la xiriira amniga kombuyuutarka, algorithm-ka iyo helida xogta oo adkeyd.

Ugu dambeyn

ChatGPT kama jawaabi karto waxyaabihii dhacay sanadadii lasoo dhaafay qaarkood isagoo kugu jawaabaya :

“waan ka xumahay ma heli karo macluumaadkii ugu dambeeyay”.

Waxaa hubaal ah in chatGPT lasii hormarin doono si ay u noqoto aalad dhinacwalba ka dhameystiran.

Soo daalaco: Maxaad marwalba u dambaabtaa xumaanta maxaadan isaga dhaafi karin

Similar Articles

Digital marketing

Waa maxay Digital marketing? Suuqgeynta dhijitalka ah!

Casariye

Casariye wali mala caariyeysay?

SUBSCRIBE For our Newsletter

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top