meegaar tech
  1. Qaababka loo sameeyo Digital marketing-ka suuqgeynta dhijitaalka ah
  2. Content marketing
  3. Search engine optimization (SEO)
  1. Social media marketing
  1. Pay-per-click Advertising (PPC)
  2. Email marketing
  3. Maxey kala yihiin inbound iyo outbound marketing
  4. Sideen ku bartaa Digital marketing-ka? Suuqgeynta dhijitaalka ah!

Waa maxay Digital marketing? Suuqgeynta dhijitalka ah!

Digital marketing

Digital marketing waa suuqgeynta iyo kor uqaadida alaabtaada, sumadaada iyo adeegyadaada kala duwan  adigoo adeegsanaya Online platforms-ka iyo technology-yada casriga ah. Waxey ka koobantahay xeelado kala duwan oo la adeegsado si loogu gaaro macmiilka bartilmaameedka kuu ah.

Qaababka loo sameeyo Digital marketing-ka ah

Digital marketing-ku waxuu ka faaiideystaa awooda internet-ka iyo technology-yada iyada oo wadooyin kala duwan loogu marinayo macmiilka fariimaha iyo xayeysiisyada side:

Content marketing

Content marketing waxey la xiriirtaa nuuckasta oo macluumaad ah oo la sameeyay si loogu gudbiyo fariimo tayo leh, alaab casri ah iyo in lagu gaaro macmiilka la beegsanayo

Search Engine Optimization (SEO)

Waxaa loo adeegsadaa in website-kaaga uu kazoo muuqdo link-yada ugu sareeya ee mareegyada wax laga baaro sida Google Chrome, Brave, iyo  Edge. Waxey ubaahan tahay xeelado iyo in loo isticmaalo Ereyo u qaas ah ganacsigaaga. Waxey ubaahantahay in website-kaagu ahaado mid isku dheeli tiran lana socan kara shuruudaha u dagsan mareegyada wax laga baaro ee aan soo xusnay.

In website-kaaga uu la jaanqaadi karo SEO waxey kaa caawineysaa inuu kuusoo hogaamiso website traffic badan

  • On-page SEO: Tan waxey caawisaa kazoo muuqashada bogaga website-kaaga, iyada oo laga fiirinayo qaab nashqadeedka bogaga uu k koobanyahay website-ka, inuu xiranyahay Sitemap XML, lahaanshaha URL u qaas ah,  sharaxaadaha bogaga kala duwan ee meta describtion-ka
  • Of-page SEO: Tani waa saameynta kaaga imaaneysa mareegyada kale ee kula mid ka ah si (Backlinks) Waxey kor u qaadeysa sumcadda website-ka iyadoo loo fahmayo inuu yahay mid muhiim ah.
  • User Experience (UX): Mareegyada raadinta waxey mudnaanta siiyaan website-ka leh nashqadeyn soo jiidasho leh. Inuu yahay mid si fiican u nidaam qofwalbana si fudud ku isticmaali karo.

Social media marketing

Halkani waa meesha ugu badan ee saameynta ganacsiyadu ka dhacaan iyada oo content walba oo lasoo diyaariyo lagu baahiyo Social media-ha.

Waxey diirada saartaa isticmaalka online platforms iyadoo macmiilka alaabta loogu marinayo qaab soo jiidasho si loogu jiito dareenkiisa.

Qaarkamid ah platform-yada iyo sida loo isticmaalo
  • Facebook: wuxuu kamid yahay kuwa ugu waaweyn ee manta ay ku taaganyihiin xayeysiiyada online-ka ah, wuxuu kusiin doonaa xog buuxdo oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa xayeysiintada waxaad awood u yeelan doontaa doorashada nooca macmiil ee aad rabto.
  • Tusaale; waxaad dooraneysa Jinsigiisa, da,diisa, magaalada ay joogan waxa aad u rabto iney xayeysiintaada ku sameyaan sida Like page, website traffic, whatsapp contact.
  • Instagram: haddii nooca ganacsigaagu yahay fashion-ka dharka waxaa aad ugu haboon Instagram-ka oo ah meesha ugu badan ee lagu bandhigo fashion-ka bulshada ay ka raadiso wax ku saabsan.
  • Tiktok: Wuxuu xawli kusoo galay xili technology-yada aad ay usii hormareysay kaalin weyn wuu ka qeyb xayeysiinta online-ka wuxuu kuu fududeyn karaa inaad diyaariso content kooban isla markaana gudbinaya fariimo khiimo leh.
  • Google Ads: Caadi ahaan waxaa loo yaqaana Google Adwords waxaana bixisa shirkada Google wuxuu ganacsatada ka caawinayaa iney kamid noqdaan Muuqashada ugu sareysa ee search engine-ska mareegaha wax laga baaro. Nooca kan waxaa aad muhiim u ah in diirada lagu saaro keywrods-ka loo isticmaalayo content-ga ama badeecada, waa inuu noqdaa mid qaas ah oo lagu garan karo xogtaada iyo adeegyadaada.

Pay-per-Click Advertising (PPC)

Xayeysiisyada lacag bixinta nidaamkan ayaa wuxuu u shaqeeya in shirkada waaweyn dadku aad u isticmaalin lagu sameeyo xayeysiin iyadoo shirkada markaas kaaga qaadaneysa lacagtii aad u qoondeysato, waxey kaaga jaran doonta taabasho walba oo xayeysiintaada ah waxaa ay kaaga goosan doonta lacago aad ku heshiisiin.

Shirkadahaas waxaa ugu waaweyn oo kamid ah Facebook, Youtube, Instagram, iyo Google.

ChatGPT iyo qaabka uu u shaqeeyo halkaan ka daalaco

Email marketing

Email marketing-ku waa nooc kamid ah noocyada lagula xiriiro koox bulsho ah iyada oo loo dirayo Emailo gudbinaya fariimo xasaasi ah. Waxaa badi lagu kasbadaa in lagu gaarsiiyo adeeg cusub, khiima dhimis ah la sameeyay iyo go’aano la rabo in la gaaro.

  • Dhisida liistiyo badan oo Email ah: waxey ku dhisantahay ogolaansho si bareer ah ay u bixiyaan dadkii lahaa Emailadaas in lasoo gaarsiin karo fariimaha. Noocaan waxa lagu sameyn karaa iyada oo loo marayo soo galida website-yada, Subscribtion forms-ka.
  • Qeybinta Emailada: Deegaan ahaan iyadoo loo fiirinayo dadku wey ku kala duwanyihiin meelaha ay joogan waxaa muhiim ah in qeyb qeyb loo kala qeybiyo Emailada si intii isku xog ah content u qaas loogu diro.
  • Automatic Emails: Noocan waa Email loo nashqadeeyay in uu si Automatic ah oga jawaabo fariimaha kaga imaanaya macmiilka sida su’aalo ay qabaan, fariimaha soo dhaweyn-ta fariimaha password bedel-ka.
  • Newletters: Waxaa si joogta ah loogu soo diraa qofka maqaalo ku saabsan adeegyada ama services ay bixiso shirkada ama maqaalo blogs ah. Iyadoo qofka laga dhigayo mid xiiseeya gujinta Email-daas.
  • Call To Action (CTA): Emailada waa iney lahaadaan wicitaano qofka ugu yeeraya inuu go’aan qaato ama la siyo button uu gujin karo iyadoo laga damacsanyahay, iibsasho, isdiiwangalin, booqasho website ama application.

Farqiga u kala dhaxeeya Outbound marketing iyo Inbound marketing

  • Outbound marketing ayaa ah nidaam aad dadka wax ugu xayeysiineyso adigoo isticmaalaya platformyada ugu waaweyn ee wax lagu xayeysiiyo sida google ads waxaana xayeysiintaas lasoo saari doona dadka kale oo websiteyo leh. Mid ogow nidaamkaan ma’ahan mid waxtar leh sawabtoo ah dadka badi markii ay booqdaan website-yada daneyn gaar ah ma siiyaan xayeysiisyada kazoo muuqanaya website-kaas. Mararka qaar waa ay shaqeysaa laakiin waa mid hore oo laga tagay. Badi waad ku aragtaa website-yada marka aad booqato iney kaaga soo baxdo xayeysiin waa hadii uu websitekaas ku xiranyahay Google adsense.
  • Inbound marketing Noocaan ayaa ah in qofka aad rabto inuu macmiil-ka kuu noqdo aa u sameyso wax faa’iido u leh Tusaale; waxaad qofka u diyaarin kartaa content ama article waxtar leh oo uu aqrisan karo makruu article guda galo ayaad waxaad u dhax marin kartaa fariin yar oo ku saabsan adeegyadaada ama alaabaha aad iibiso. Qofkaasi waxa aad siisay wax uu wax ka faa’iidayo maqaal wax tar leh ah waxaadna tustay xayeysiintii ujeedkaagu ahaa.

Fariimaha aad u dhax marineyso qofka waa in ay noqotaa wax qofka faa’iido u leh oo galineysa aaminaad uu kugu qabo.

Sideen ku bartaa Digital marketing? Suuuqgeynta dhijitaalka ah?

Barashada Digital marketing-ka ah waxey la xariirtaa naf isbarid badan, practicle badan iyo inaad ku taxnaato online platforms-ka lagu falanqeeyo arimahaas si aad u ahaato mid la socdo cusbooneysiinta cusub.

  1. Online platforms-ka internetku wuxuu naqday jaamacad wax hagaajisa waxna qaribta waxaad oga faa’iideysan kartaa adigoo ka baranaya xirfadaha jeceshahay Youtube-ka wuxuu kamid yahay mareegyada ugu  badan ee si free ah wax looga barto sidoo kal waxaa jira website-yo bixiyo sida Udemy iyo Coursera.
  2. Marwalba update ahaw lasoco meelaha looga doodo arimahaas aqri maqaalada laga qoray iyo buugaagtaba ku biir community-yada arimahaas quseeya.
  3. Jaamacada SiMAD hadii aad joogto magaalada muqdisho jaamacada simad waxey soo kordhisay Bachelor degree of Digital marketing.

Similar Articles

Web Design iyo Web Developer

Farqiga u dhaxeeya web design iyo web developer?

Corporate

The Corporate World: Top Trends That Will Transform the Future of Business

5 thoughts on “Waa maxay Digital marketing? Suuqgeynta dhijitalka ah!”

  1. Pingback: Farqiga U Dhaxeeya Web Design Iyo Web Developer?

  2. Pingback: Muhiimada Uu Sharciga U Leeyahay Bin’aadinka Dhaxdiisa ?

  3. Pingback: Qaanuunka 15-ka Daqiiqo

  4. Pingback: Casariye Wali Mala Caariyeysay?

  5. Pingback: Jiir! Wali Ma Is Weydiisay Sawab Bin'aadinka Ukala Daraja Sareeyo

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top